cabbaar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.

cabbaar
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn.

cabbaar
(m.dh) (-ro, m.l)

Masaafada rati rarani ku daalo.

cabbaar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Rati raran daalid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cabbaar ↴

cabbaad [m.l]
ld cabbaar.

cabbaarid [m.f.dh]
eeg cabbaar³.

camcamo [m.dh]
1. Dhul ku rafin aan waxyeello weyn lahayn ee nafley lagu sameeyo. 2. Waqti in door ah; cabbaar. 3. ld camcamin.

gadangato [m.dh]
Socod aayar loo soconayo ayadoo hadba cabbaar loo nasanayo socodka.

waraasi [m.dh]
1. Midab cawl ah oo lo'du yeelato. 2. Caano dhay ah, cabbaar yiil oo xoortii ka dhacday, labeenna soo yeelanaya. ld waraase.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg