cabbid
(m.f.dh)

eeg cab. ld cabid².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cabbid

faad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cunto, cabbid, daawo iwm nafaqo iwm waxtarkii ay lahayd raagid awgeed lumin.

oonbeel [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-eelay, -eeshay)
Biyo aan laga dhergin cabbid; harraadbeel.

balaqso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Carrabka wax ku cabbid (eyga iwm).

balxo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xaday, -xatay)
Cabbitaan laga dhergey ku noqnoqosho (dad); biyo badan, had iyo goor cabbid (xoolo); biyo durdurasho.

biyabbiyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Cunto cabbid iwm biyo ka badan ku darid.

cabid [m.dh]
ld cabbid.

daldal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Alaab iwm meel ka gurid iyadoo hadba in la qaadayo. 2. Wax si xad-dhaaf ah u cunid ama cabbid.

dawdabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Caano, biyo iwm si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.

dhac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. (f.g) Hanti cid kale leedahay si xoog iyo sharcidarro ah ku qaadid. 2. (f.g) La dh.: ul, karbaash, gacan iwm wax ku garaacid. 3. (f.g) Dhurwaa habeen xero xoolo ku jiraan weerarid. Tus. “Dhurwaa baa xeradii u dhacay”. 4. (f.mg) Wax meel sare ka soo dillaamid. 5. (f.mg) Ku dh.: imtixaan ku gudbi waayid. 6. (f.mg) Qorrax, dayax iwm godgelid. 7. (f.mg) Wax waqti loogu talaggalay dhammaysasho. 8. (f.mg) Dabayl xoog u socosho. 9. (f.mg) Xabbad iwm qarxasho. 10. (f.mg) Wax culus oo aan la filayn soo kordhid. 11. (f.mg) La dh.: wax si aad ah ugu bogid. 12. (f.mg) Ku dh.: wax aan laga fiirsan falid. 13. (f.mg) Ku dh.: dhar iwm lebbisasho. 14. U dh.: si dhuumasho ah wax u boobid. 15. (f.mg) Biyo aan loo miyayn cabbid (xoolo).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg