cadcad
(m.l)

Waxaro yaryar oo aan weli ababin.

cadcad
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-ddaa, -ddayd)

1. Ka c.: qof, qof kale ka firfircoon ahaansho. 2. Bar cadcad lahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cadcad

baxar [m.l]
1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul yaryar cadcad oo haweenku qoorta ku xirtaan.

burobahalaad [m.dh] (-dyo, m.l)
(daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.

caar [m.l]
1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.

cadadaysnaan [m.dh]
ld cadcadaysnaan.

cadadaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld cadcadaysnaan.

cadadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
ld cadcadee.

cadadeyn [m.dh]
ld cadcadeyn.

cadadoobid [m.dh]
ld cadcadoobid.

cadadow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
ld cadcadow.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg