caddaad
(m.l)

1. ld caddow 1. Cudur dadka ku dhaca oo oogadu cadcaddaato; baras. 2. Dhar midab baxay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caddaad

laancaddaad [m.l] (-dyo, m.dh)
Xilli roobkii da'ayey gabaabsaday, geedihiina caddaadeen, irmaankii xoolaadna caana yareeyeen.

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

beercaddaad [m.l]
1. Daal iyo dhibaato ay ilmuhu ka mutaan oohin badan. 2. ld beercaddaansho.

bir-ajuuraan [m.dh]
1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).

caddow [m.l]
ld caddaad (1).

cirro [m.dh]
Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.

dhalaad [m.l]
(daaw.) Caddaadka isha birteeda taaso keenta aragga oo xumaada.

dhiigcaddaad [m.l]
Dhiigga nafleyda ku jira oo intii la rabay ka yar.

gamashi [m.l]
1. Xilliga naqu caddaado ee xooluhu caano yareeyo. 2. ld gamashiyi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg