caddaalad
(m.dh)

Maamul ku dhisan eex la'aan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caddaalad

jaa'ir [m.l] (-rro, m.dh)
Xaakim aan caddaalad iyo naxariis lahayn.

cadaadis [m.l]
(siyaa.) Waa dawlad awoodsheegasho ku dhisan, caddaalad darro iyo hoggaamin xumo ku darsatay.

caddaaladdarro [m.dh]
Fal ay eexi ku jirto.

caddaaladxumo [m.l]
Fal ay eexi ku jirto.

eex [m.dh]
Garsoor aan caddaalad lagu fulin oo cid xaqeeda lagu seejiyo. ld eexo¹.

jawr [m.l]
Xukun aan xaq ahayn; caddaalad darro. ld jowr¹.

jawrfal [m.l]
Xadgudub, caddaaladdarro cidi samayso ld jowrfal¹.

jawrfaleen [m.l] (-nno, m.dh)
Qof caado ka dhigtay in uu caddaalad darro sameeyo. ld jowrfaleen.

sin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-imay, -intay; -imi)
1. Laba wax ama ka badan isla ekeysiin. 2. Saf iwm qallooc ka bi'in. 3. Caddaalad wax ku maamulid.4. Dhaawac qiimayn. 5. Ku s.: cid maqan wax u sii ilaalin. 6. U s.: hadal joojin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg