caddaan
(m.l)

1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin.

caddaan
(m.f.dh)

eeg cad². ld caddaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caddaan

haadahaade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar, caddaan xigeen ah, baalal jilicsan leh oo meseggeda ku dhasha.

yaadaddo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo. caanaqub, kashiito, dhiddo

caadla'aan [m.dh]
1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah. caddaan, xaqiiqo

qaaje [m.l]
1. Midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan. 2. Qof midabka jirkiisa iyo tintiisaba aad u casyihiin. ld qaajay.

saamaggade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
Cayayaan yaryar oo lugo badan leh iyo midab caddaan xigeen ah oo tiro badan u wada socda.

yeeg-bicaddaan [m.l] (-nno, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena ka cad. ld caddaan-biyeeg.

ab'orijinis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-syo, m.dh)
Dadka asal ahaan u deggan amase degganaan jiray gobol, gaar ahaanse waxaa lagu istimaalaa dadkii Ustraliya degganaan jiray intii aan caddaanku tegin; ab'ogaa.

abuurcas [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
Nooc meseggada ka mid ah, oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya leh.

ashkir [m.l]
Midab fardood ka kooban caddaan iyo casaan khafiif ah.

bacad [m.l] (-ddo/-dyo, m.dh)
1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg