caddad
(m.l) (-dyo, m.dh)

1. Wax tiro ahaan inta uu ka koobanyahay. 2. Wargeys, qoraal iwm oo si isdabajoog ah u soo baxa, lambarka ay leyihiin inta isku mar soo baxda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caddad

caddadhuuni [m.dh]
Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.

dahabo [m.dh]
Shimbir yar garbaha, ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; caddadhuuni.

immisa [mu.we]
Tiro weyddiimeed oo caddad, qiime ama saacad lagu hubsanayo; inma?, intee?. Tus. “Waa immisadii?”, “Waa meeqa saac?”. ld meeqa.

lid [m.l]
1. L. ah: wax aan wax kale la mid ahayn oo dabeecadda kaga duwan. Tus. “Mugdiga ayaa caddada lid ku ah.” 2. Cadaw ku ah. Tus.: “Cali ayaa lid ku ah Cabdi” ld liddi.

marre [m.l]
(dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. ld marro (2).

tiro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Hab lagu garto kolka mid mid loo soo qaado kaddib, inta inood oo wax ka koobanyahay. 2. Ari ka kooban boqol (100) neef. 3. T. iyo tayo: caddad iyo qaayo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg