cunid
(m.f.dh)

eeg cun.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cunid

xaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Xaabo cunid (nafley). 2. Wax qaali ah ama wax aan qaali ahayn, urursasho. 3. Wax ururin. 4. Qashin iyo wax u eg cunid.

jaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Qaad cunid. 2. Ku jaad: cid shaqo u xilsaarid.

faalig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Si aan nidaamsanayn wax u feteshid. 2. Si aan nidaamsanayn wax u cunid. ld faalug. faalug

faambi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Si aan habboonayn wax u cunid. 2. Wax nidaamsan isku qasid.

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

qaaddiro [m.dh]
Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.

xaaraanyahan [m.l]
Nin ku xeel dheer xaaraan cunidda.

afbilaabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-lawday, -laabatay)
Qof afbilaw cunid.

affur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Soonka jebin. 2. Cunnada affurka cunid.

barakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Wax barako u yeelid (Eebbe). 2. Cunno wax yar ka cunid. 3. Hanti yar tashiilid.

cun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg