cunno
(m.dh)

Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. ld cunto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cunno

caabuq [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.

barakee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Wax barako u yeelid (Eebbe). 2. Cunno wax yar ka cunid. 3. Hanti yar tashiilid.

batiikh [m.l]
Geed sida qaraha u faalala oo yeesha miro waaweyn oo cillaan ah oo la cunno. ld batiiq.

beekhaan [m.l]
1. Badashada ay badato cunno la karinayo. 2. Wax yar oo lagu suubiyo wax la miisay. 3. Tashiilidda wax la tashiilo. 4. ld beekhaamid.

beriberi [m.l]
(daaw.) Cudur ka yimaada cunnoxumo gaar ahaan fiitamiin B1 la'aan. Waxuu ku badanyahay dadka badsada cunidda badarka ama bariiska la tumay. Kaasoo xuubka laga qaaday, xuubka waxa ku badan fiitamiin B1.

calaanji [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Cunno meyrax iwm gowsaha ku jilcin. 2. Wax si aan habboonayn isugu qasid.

ciriirsamid-bilooro [m.dh]
(daaw.) Muruq bararka caloosha oo ciriiriya godka cunnadu marto marka ay gudbeyso xiidmaha. Cudurku wuxuu keenaa raagid cunno gudbid taas oo u sabab ah matag soo noq-noqda, mararka qaarkood cunno la cunay 24 saac ka hor; waxa kale oo la arkaa uur fuuriyo nuux-nuuxsi calooleed.

cunsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.

cunto [m.dh]
ld cunno.

cun [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg