cuntub
(m.l) (-byo, m.dh)

1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cuntub

cawameer [m.dh] (-ro, m.l)
1. Nafley habeenkii wareegta. 2. Dhillo. 3. Cuntub gaar ah, ilaalo.

cutub [m.l]
ld cuntub.

moos [m.l] (-sas, m.l/-syo, m.l)
1. (bot.) Geed tallaal, caleemo balballaaran dhaadheer, oo waxyaabo badan laga wershedeeyo leh, oo miro macaan oo khudrad ahaan loo cuno leh. 2. (bot.) Miro dhaardheer oo dhumuc leh oo soo godgodan oo si qurux badan cuntub ugu baxa; midabkoodu, kolkay bisladaan, waa cawl dahabka u eg, aadna waa u macaanyihiin. ld muus¹ (2).

turub [m.l]
Xaashiyo cayaaro badan oo kala jaad ah lagu cayaaro oo afar cuntub u qaybsan: hadhiin, dheemman, karaawil iyo isbig.

xay [m.l]
1. Ubaxa kiisa aan qaabka caleemaha lahayne u baxa sida bul ama cuntub ama xirmo yar oo dun ah. 2. Midabkiisu, sida xayga qaarkii, cadyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg