cusbaysan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-snaa, -snayd)

1. Wax cusbo lagu daray ahaansho (cunto). 2. Wax cusbo la mariyey ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cusbaysan

cusbaysnaan [m.f.dh]
eeg cusbaysan. ld cusbaysnaan.

milixsanaan [Magac Dheddig | Noun Feminine]
(juqr.) Darajada cusbaysanaanta ama milixsanaanta ee badweynada, badaha, balliyada, iyo webiyada, badanaa waxaa loo tibaaxaa tirada qaybaha kunkiiba, ama miisaanka cusbada ku milan kunkii qayboodba oo biyo ah. Celceliska milixsanaanta biyaha baddu, tusaale ahaan, waa 35 kunkiiba, laakiin milixsanaantu waxay ku kala duwantahay laga billaabo 40 ka kor kunkiiba biyaha Badda Dhexe ilaa iyo 30 kunkiiba badaha cirifyada. Baraha agtiisa waxaa jira gobol milixsanaantiisu ay hoosayso, roobka culus ee ka da'a awgiis.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg