cusboonaysii
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iiyay, -iisay)

ld cusboonee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cusboonaysii

cusboonayn [m.f.dh]
eeg cusboonee. ld cusboonaysiin.

cusboonaysiin [m.dh]
ld cusboonayn.

cusboonee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
Wax, wax cusub ka dhigid. ld cusboonaysii.

dalee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Wax cusboonaysiin ama qurxin. 2. Guri, meel ay hawo ka soo gasho u yeelid. 3. Dhul wax lagu beeri jiray in muddo ah nasin.

dhallinyarayn [m.dh]
(juqr.) Dariiqadda hawsha xoqidda lagu cusboonaysiiyo, gaar ahaan waxaa lagu isticmaalaa webiyada, oo la yiraahdo waa la dhallinyareeyay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg