daabac
(m.l)

1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid

daabac
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-cay, -cday; -bici)

1. Xarar ku qurxin dhar iyadoo la adeegsanayo dun midabyo leh ama rinjii. 2. Qoraallo madbacadayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daabac

daabacaad [m.dh]
daabacaad m.dh 1. Gelinta qoraal madbacad la geliyo. 2. Qoraal inta hal mar la daabaco. ld daabicid. daabicid

daabacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.

daabacnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daabacan. ld daabacnaansho. daabacnaansho

daabacnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld daabacnaan. daabacnaan

daabece [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.

daabicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg daabac². ld daabac¹ (4), daabacaad. daabac, daabacaad

dabcad [m.dh] (-do, m.l)
Caddad; wax la daabacay.

jus [m.l] (-sas, m.l)
1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.

daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.

daab [m.dh]
1. Cudur leh shuban oo ku dhaca dhasha xoolaha markay dambar badan nuugaan. 2. ld doog².

daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg