daahan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-hnaa, -hnayd)

Wax ilixir loo yeelay ahaansho; daah lahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daahan

daahnaan [m.f.dh]
eeg daahan. ld daahnaansho.

muddaahanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
ld muddaahinee.

muddaahaneyn [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld muddaahineyn.

muddaahano [Magac Dheddig | Noun Feminine]
1. Meermeerin iyo dib-udhigidda arrin aan la doonayn in la fuliyo. 2. ld muddaahineyn.

daah [m.l]
1. Dibdhac; raagis; dubudhac. 2. ld daahid.

daah [m.l] (-hyo, m.dh)
Ilixir laga sameeyay dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha iwm ama qolalka lagu kala gooyo.

daah [m.l] (-hyo, m.dh)
(riw.) D. masraxiyeed: ilxir loo adeegsado goobta masraxiyadda.

daah [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-hay, -hday)
Ilixir u yeelid.

daah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Raagid; dib u dhicid. 2. Ka soo d.: madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg