daalan
(m.l)

ld daallan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daalan

yare [Falkaab | Adverb]
Xoogaa, in yar. Tus. “Wuu yare daalanyahay”. ld yarehe.

daallan [m.l]
Cunno macmacaan oo jaadad badan ah oo cunnada weyn dabadeed la cuno. ld daalan.

daallan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax noog hayo ahaansho. ld daalan.

maddaalannimo [m.dh]
Maddaale ahaansho.

daal [m.l]
1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.

daal [m.l]
Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.

daal [m.l]
(daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.

daal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg