daalid
(m.f.dh)

eeg daal². ld daalis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daalid

cabbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Rati raran daalid.

daalis [m.dh]
ld daalid.

dadaalid [m.f.dh]
eeg dadaal². ld dedaalid.

dakaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Gammaan ama awr aad u daalid.

dedaalid [m.dh]
ld dadaalid.

dhabarjab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Ku dh.: hawl culus ku daalid.

dhacsaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Aad u daalid.

goror [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Istaag ku daalid. 2. (f.mg) Dhiig sanka ka imaansho.

jidaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-lay, -shay)
1. Socod dheer oo lagu daalo gelid. 2. Socod dheer ku daalid.

daal [m.l]
1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.

daal [m.l]
Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.

daal [m.l]
(daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.

daal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg