daalli
(m.dh)

Oori; haweeney.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daalli

daallin [m.l] (-immo/-imiin, m.dh)
Qof dulmi badan.

daallinnimo [m.dh]
Daallin ahaansho.

kadaalli [m.l]
Jiif, fadhi, joog iyo socod diidid xasillooni la'aan awgeed.

kadaalli [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Jiif, fadhi, joog iyo socod diidid xasilooni la'aan awgeed.

kadaalliyid [m.f.dh]
eeg kadaalli².

daal [m.l]
1. Nooc digirta ka mid ah, iniino yaryar oo qaab wareegsan leh oo la cuno. 2. Cad dhalo ah oo wixii lagu fiiriyo muukaalqooda weynaysa.

daal [m.l]
Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.

daal [m.l]
(daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.

daal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Socod dheer ama hawl adag oo la qabtay awgeed, culays iyo jiirago'oogada ka dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg