daango
(m.dh)

Galley ama messeggo la saloolay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daango

daangee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -gaysay)
Badar daango ka dhigid.

daangeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Badar daango ka dhigasho.

toor [m.l]
1. Beer iyo hilib la yar yareeyey oo la isku shiilay. 2. Bun duban, caano, daango iwm oo la isku daray.

toor [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Bun duban, caano, daango iwm isku darid. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilid.

tooran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
1. Bun, daango, caano iwm wax la isku daray ahaansho. 2. Beer, hilib iyo xayr wax la isku shiilay ahaansho.

tooro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Bun duban caano, daango iwm ku darasho. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilasho.

daan [m.l] (-aaman, m.l)
Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.

daan [m.l] (-aaman, m.l)
(c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.

daan [m.dh] (-aamo, m.l)
Webi, tog iwm labada dhinac midkood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg