daanyeer
(m.l) (-rro, m.dh)

ld daayeer.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daanyeer

buxuur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof aqoon iyo garaad dheeraad ah leh; abwaan; mufti. 2. Koox daanyeero ah kan hoggaamiya..

coofaar [m.l] (-rro m.dh)
Lab libaax ama daanyeer, duq ah oo leh bulbul badan.

daanyeerad [m.dh] (-do, m.l)
ld daayeerad.

daayeer [m.l]
(daayeer/-rro, m.dh) Xawayaan afarta addin ku socda oo labada hore sida dadka u adeegsada, qaab ahaanna dadka u eg. ld daanyeer.

daayeerad [m.dh] (-do, m.l)
Dheddiga daayeerka; saayo. ld daanyeerad.

korow [m.l]
Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.

qalami [m.dh]
Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg