daaq
(m.l)

1. Caws, caleen iwm oo ay xooluhu cunaan; baad. 2. ld daaqid.

daaq
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-qay, -qday)

Caws, caleen iwm cunid (xoolo).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaq

baad [m.l]
1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal. baal

ibalaroor [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Geed-nagaar xajiinka u eg oo xooluhu aad u daaqaan, kuna dararaan markiiba. ld iballaroor. iballaroor

raamo [m.dh]
1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.

saalaweyneeye [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
Geed caleemo waaweyn oo xoolaha qaarkood daaqaan.

ugbaad [m.l]
1. Dhir roob ku da'ay oo baxday oo aan cidi daaqin. 2. Dhul weli ugub ah.

ununush [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.

uraad [m.dh]
Saaca iyo waxtarka daaqu leeyahay. ld urshi.

uurxaad [m.l]
Geednagaar dooxooyinka ka baxa oo xooluhu daaqaan.

uus [m.l]
Cunnada nafaqada laga baxay oo ku jirta caloosha iyo xiidmaha (xoolaha daaqa).

uusley [m.dh]
Caloosha xoolo daaqa; uuskujir. ld uuslaho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg