daaqi
(m.l)

Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaqi

ugbaad [m.l]
1. Dhir roob ku da'ay oo baxday oo aan cidi daaqin. 2. Dhul weli ugub ah.

ununush [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Waxaruhu marka ay geedo daaqidda bilaabaan.

xaaluf [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Dhulka engegay ama nabaad-guuray oo daaqii ka dhammaaday.

xamash [m.l]
Deegaan aad u baxday oo aan la daaqin.

aftin [m.dh] (-nno, m.dh)
Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.

arar [m.dh]
1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.

carrabcad [m.dh]
Dhasha xoolaha oo caananuugga ah oo aan weli daaqid gaarin.

cigan [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. C. ah: dhul geed qodxeedku ku badan yahay. 2. Dhul leh dhir aan weli la daaqin.

cigan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-maday, -matay)
Meel, wax geedo leh oo aan la daaqin noqosho.

cosob [m.l]
Doog badan oo markaas soo baxay. 2. Meel an naqeeda weli la daaqin.

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg