daarad
(m.dh) (-do, m.l)

1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daarad

xadaarad [m.dh] (-do, m.l)
Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iwm oo wada jira oo ummadi gaarto. ld xad-daarad.

xaddaarad [m.dh] (-do, m.l)
ld xadaarad.

daar [m.dh] (-ro, m.l)
Guri, shub, dhagax, jaajuur iwm ka samaysan; sar.

daar [m.l]
1. Xabad. 2. (-rar, m.l) Daloolka yar ee haruubka dhiisha ama haanta. 3. (-rar, m.l) Cuf yar oo la geliyo daloolka haruubka dhiisha ama haanta. 4. Hilib jiir ah oo sararta inteeda dambe ee araxda xigta saaran.

daar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax shidid (dab); wax ifid (nal, feynuus iwm). 2. Taabasho; maagid; daandaansi. 3. Qof dilid; qof rayd.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg