daaro
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-rtay, -ratay)

1. Wax shidasho (dab, nal, raadiyo,telefishan iwm). 2. Qof tartiib u taabasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaro

tacdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.

cudurdaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Cudurdaar sheegasho.

daarasho [m.f.dh]
eeg daaro.

daardaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
Cid gardarro kula kicid.

haydaaro [m.dh]
1. Dhib, luggooyo iwm oo cid loo geysto. 2. Weyddiin badan oo cid aan wax hayn la weyddiiyo. ld haydaarto.

qalindaaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. Qalin khad ku darasho. 2. Qof wax ka barasho.

shamac [m.l]
1. Xanjo shinnidu samaysato oo malabka ku kaydsato. 2. Ul dhuuban oo xayr ka samaysan oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la daaro ama shidma. ld shimic, shumac.

weydaaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Wax dhaafid. 2. Wax dabamarid.

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg