daata
(m.dh)

(xis.) Xaqiiqooyin ama warar la isa siiyay ama la soo ururiyay si loo baro. D. waxa lagu muujin karaa garaaf jiitimeed, garaaf sawireed iwm.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daata

xaab [m.l.w]
1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.

biyadhac [m.l]
1. ld biyadhaceen. (-cyo, m.dh) Qar sare oo biyaha qulqulaya ay ka daataan. 2. (-cyo, m.dh) Meel godan oo biyo qabatin leh oo qar, buur iwm ku hoos taalla. 3. (-cyo, m.dh) Go'aan; duluc; murti. 4. ld biyadhicid.

biyashub [m.l] (-byo, m.dh)
Meel dabiici ama dad sameeyey ah oo ay biyuhu si habeysan uga daataan.

deynhilato [m.dh]
Shimbiro yaryar oo aan guryaha ka ag dhaqaaqin oo gurubsata wixii ka daata badarka la tumayo.

dharab [m.l]
(fiis.) Qoyaanka ku dul dhaca habeenkii dhulka dushiisa, amase waxyaalaha kale oo dhulka ku yaal ama dul saaran, sida cawska iyo caleemaha, waxaa qabooba oo dhibco noqda oo soo daata uumiga ku jira gibilka hoose ee dhulka korkiisa.

gembis [m.l]
1. ld gembiyid. 2. G. ah: aqal waxa ku dedani hoos u fooraraan oo biyuhu ka daataan.

gembise [m.l] (-sayaal, m.l/dh)
1. Aqal waxa ku dedani hoos u fooraraan oo biyuhu ka daataan. 2. Saab dharka la uuminayo la dul saaro. 3. Sati aabbur leh o hilibka kumbiska ah lagu keydiyo. ld gambis.

gubaas [m.dh]
Budo madow oo dhiilaha ama haamaha la culay marka la catireeyo ka soo daata.

haldhac [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg