daawad
(m.l)

ld daawasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daawad

gaadaar [m.dh]
1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.

awradhaye [m.l]
Nagaar xooluhu daaqaan oo dhirta daawada leh ka mid ah.

baatooloji [m.l]
(daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.

bacle [m.l]
Geed nagaar aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.

balambal [m.l]
1. (balambal, m.dh) Geed gaab dhirta daawada leh ka mid ah oo leh caleemo balballaaran, miro yaryar oo kuuskuusan iyo laamo jilicsan oo jabi og; geed-jinni. 2. ld balaambalid.

bandhig [m.l]
1. Keenidda meel fagaare ah wax-soo-saar warshadeed, beereed, faneed iwm si loo daawado. 2. ld bandhigid.

bilcil [m.l]
(bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.

cadaawad [m.dh]
ld cadaawo.

carwo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go'an oo lagu daawado leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg