daawee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-weeyay, -weysay)

1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daawee

waabjiif [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Qof buka oo waab jiifa laguna daaweeyo.

laan [m.l]
1. Xubinta taranka ee haweenka. 2. Geed lugtool ah. 3. Geed bixiya miro laysku daaweeyo. 4. ld laam. Magaca carbeedka xarafka “L”.

onkooloji [m.l]
(daaw.) Barashada iyo ku shaqeynta daaweeynta kansarka.

ardooyin [m.l.w]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.

ayaamo [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

baalgub [m.l] (-bo, m.dh)
Calaamad uu ku reebo dabku neef geel ah oo baal laga daaweeyey.

bararshe [m.l]
Cudur dadka ku dhaca oo wejiga iyo oogadu la barbararto oo dab lagu daaweeyo.

bir-ajuuraan [m.dh]
1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).

boogadhaye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
Qof boogaha iyo nabarrada fudud daaweeya. ld boogadhay.

boorane [m.l]
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg