daaweyn
(m.f.dh)

eeg daawee. ld daaweysiin, daweyn, daweysiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daaweyn

benisiliin [m.dh]
(daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.

bukaansocod [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.

daaweynta-fiisikaad [m.dh]
(daaw.) Qayb daaweyn oo lagu isticmaalo habab iyo qalab fiisikaad si loo daryeelo caafimaadka; waxaana la isticmaala: nal, fallaaraha ultrafayolet iyo infrareed, kul, koronto, riix-riixid, tuujin iyo ciyaaro waxtar ah.

daaweysiin [m.dh]
ld daaweyn.

daawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.

dabiib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Cid daaweyn.

daliig [m.l]
1. Jilcinta lagu sameeyo caw, maqaar iwm iyadoo qalab gaar ah la adeegsanayo. 2. Daaweynta muruq jirran iyadoo faraha la adeegsanayo. ld daliigid.

daliig [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Caw, maqaar iwm qalab gaar ah oo looga tala galay ku jilcin. 2. Muruq jirran faraha ku daaweyn.

daweyn [m.dh]
ld daaweyn.

daawe [m.l]
ld taawo¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg