daawo
(m.l)

ld taawo¹.

daawo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.

daawo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-waday, -wadatay)

Wax in muddo ah indhaha ku hayn.

daawo
(m.dh) (-ooyin, m.l)

(daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daawo

faad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cunto, cabbid, daawo iwm nafaqo iwm waxtarkii ay lahayd raagid awgeed lumin.

kaabsul [m.l]
Xuub qira yar oo daawo buda ahi ku jirto oo afka laga qaato. ld kaabsol. kaabsol

kaadibadshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
(daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.

taawo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.

bacrimiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
1. Daawo digo iwm oo dhul lagu shubo si bacrin looga dhigo. 2. Unug tarmineedka lab marka uu dhex galo unug tarmineedka dheddig.

benisiliin [m.dh]
(daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.

birdaawo [m.dh]
ld birdaawe.

bolol [m.l]
1. B. ah: qori iwm marka ay duug ama bahal awgiis xorshosh noqdaan. 2. B. ah: miro daawo iwm oo faaday ama xorshashay. 3. ld bololid.

bolol [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-olay, -oshay)
1. Qori iwm duugnimo ama bahal galay awgeed xorshashid. 2. Miro daawo iwm faadid ama xorshoshid.

burgaanti [m.dh]
Budo daawo ah, qaraar, qasanta oo la isku qaras bixiyo. ld burkaanti.

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg