dab
(m.l) (-bab, m.l)

1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.

dab
(m.dh)

Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.

dab
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)

1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dab

ibadaboole [m.dh] (-layaal, m.l/dh)
Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo. ibadaboolo

ibadaboolo [m.dh]
ld ibadaboole. ibadaboole

faa [m.dh (c.nafl.)]
Shimbir yar oo dhoor iyo daba dheer leh oo qoollayda in yar ka weyn.

daabacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
1. Maro, wax dabac lagu qurxiyay ahaansho. 2. Qoraal, wax la madbacadeeyay ahaansho.

naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa

jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo

saabil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cayaarta (turubka) dabaka-eriga ran yaryar hor marin si uu ranka waaweyni u soo haro. 2. Cid qayaamo wax ugu qaadid.

aalkol [m.l]
Dareere aan midab lahayn oo dabka qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld aalkolo. aalkolo

aameel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan. haruub, doobi

haad-haad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Fudfudayd xagga dabeecadda ah.

d [m.dh]
(da') Xarafka afaraad ee xurufta soomaaliga, ahna shibbane. ld deel (2).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg