dabaal
(m.dh)

Dhaqdhaqaaq habaysan oo ay nafleydu sameyso markay biyo ku dhex jiraan si aayan ugu hafan. ld dabbaal².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabaal ↴

boolaboolo [m.dh]
Shimbir dabaalata oo badanaa midabkeedu cadyahay. ld boolamboolo.

dabaalad [m.l]
ld dabaalasho.

dabaalasho [m.f.dh]
eeg dabaalo. ld dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.

dabaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax biyo dabaal kaga gudbin. ld dabaalsii, dabbaali, dabbaalsii.

dabaalin [m.f.dh]
eeg dabaali. ld dabaalsiin, dabbaalin, dabbaalsiin, dabbaalsiis.

dabaaljoog [m.l]
Nooc dabaasha ka mid ah oo qofka dabaalanaya la moodo inuu taaganyahay. ld dabaajoogle, dabaaljoogto, dabbaaljoog.

dabaaljoogle [m.l]
ld dabaaljoog.

dabaaljooglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyey, -leysay)
Dabaaljoogle samayn. ld dabaaljoogtee, dabbaaljooglee, dabbaaljoogtee.

dabaaljoogleyn [m.f.dh]
eeg dabaaljooglee. ld dabaajoogteyn, dabbaaljoogleyn, dabbaaljoogteyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg