dabacsan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

ld debecsan¹.

dabacsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

ld debecsan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabacsan

adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

adkayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
1.(f.g) Gunti, xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.

ay [m.dh]
(bot.) Eray badanaa lagu isticmaalo dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay daboosho jidhi; amase, waxaa lagu isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo aan loogu talaggelin qodaal.

dabacsanaan [m.dh]
ld debecsanaan.

dabacsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld debecsanaan.

dabacsanow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
ld debecsanow.

dabar [m.dh]
(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).

debecsan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Xarig, guntin iwm oo giigsanaan wax debcay noqosho. ld dabacsan¹, debacsan¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg