daban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)

1. Wax la dabay ahaansho. 2. Wax tidcan ahaansho (timo).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh daban

dabandeeb [m.l]
Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo. ld dabandeebid.

dabandeeb [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
Si dan la'aan ah isaga daba noqosho.

dabandeebid [m.f.dh]
eeg dabandeeb². ld dabandeeb¹.

dabannashlayn [m.f.dh]
eeg dabannashlee.

dabannashlee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
D./ka d.: si dabadhilifnimo ah qof u dabajoogid.

dabnaan [m.f.dh]
eeg daban. ld dabnaansho.

dab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.

dab [m.dh]
Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.

dab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg