dabaq
(m.l) (-qyo, m.dh)

1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.

dabaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bqay, -baqday; -bqi)

Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka samaysan, daboolid. ld dabbaq.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabaq

arkaniida [m.l]
(baay.) Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.

biyo-dhuleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.

boroolataariyad [m.dh]
(siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.

burjuwaasiyad [m.dh] (-do, m.l)
(siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.

cilmiyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yaysay)
Wax cilmi ku dabaqid.

dabaqaad [m.l]
1. D. ah: hal marka rintay. 2. ld dabaqaadid.

dabaqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Wax dhawaan rimay noqosho (hal).

dabaqaadid [m.f.dh]
eeg dabaqaad². ld dabaqaad¹ (2).

dab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.

dab [m.dh]
Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.

dab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg