dabaqad
(m.dh) (-do, m.l)

Qayb bulsho ka mid ah oo isku dan ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabaqad

biyo-dhuleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.

boroolataariyad [m.dh]
(siyaa.) Dabaqadda shaqaale ee waddan oo qaata mushahar la xiriira wax qabadkooda.

burjuwaasiyad [m.dh] (-do, m.l)
(siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.

fardooley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(taar.) Qarniyadii dhexe waxaa loo yiqiin askari, badanaa ka dhasha dabaqadda sare, una shaqeeya boqorka ama taliya waqtiyada dagaalka.

qayb bulsho [m.dh] (-bo ..., m.l)
(bul.) Dabaqad bulsheed, ama nidaam dawlad oo ku dhisan u kala qeybinta dadweynaha kooxo, iyada oo fiirinaysa reerkooda, darajadooda, maalkooda iyo shaqadooda iwm.

dabaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka smaysan, oo xeeryaha lagu daboolo. 2. Dhismo leh guryo is dul saaran, fooq.

dabaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bqay, -baqday; -bqi)
Wax, dabool xardhan oo caw, qabo iwm ka samaysan, daboolid. ld dabbaq.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg