dabayl
(m.dh) (-lo, m.l)

1. Hawo xoog leh oo dhan u socota. 2. Xanfar; siigo. 3. Rooxaan ama jinniyo la aaminsanyahay in dadka ay marto ku reebto suuxdin ama xubinno qallal. 4. Dhanka dabayshu ka socoto. 5. ld dabeyl.

dabayl
(m.dh) (-lo, m.l)

(c.cimi.) Mawjad hawo, oo xoog ugu socota jiho kasta, oo badanaa la moodo inay barbaro la tahay oogada dhulka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabayl

haawi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Weel af bannaan dabayl u dhigid.

ooddin [m.dh]
Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.

ur [m.dh]
1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. ld ur¹.

yaleex [m.l]
1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.

yohoon [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oomay, -oontay; -oomi)
1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid.

afdabayl [m.l] (-lo, m.l)
Buntuq aan booba ahayn, dheer, oo kow iyo toban xabbadood qaada.

asyab [m.l]
1. Dabaylo ka yimaada waqooyi-bari oo doonyuhu uga dhoofaan koonfur-galbeed. 2. Xilliga dabeylaha asyabku dhacaan. ld asjab.

babbad [m.l]
1. B. ah: meel aan gabbaad lahayn oo dabayl badan. 2. ld babbasho.

babbo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-baday, -batay)
Wax dabayl xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.

badfur [m.l]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadidka baddu uu jiro ama uu furanyahay. Badda Carabta, waqtiga jilaalka ah oo ay dhacayso dabaysha mansuunta ee ka immaanaysa lid-gufaacada Sayberiya, kolkaas oo dabayluhu fududyihiin Badda Carabta dusheeda, taas oo u wanaagsan badmaaxidda gobolkaas. ld badfuran.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg