dabayleed
(m.l)

(juqr.) Wax dabayli keentay amase ku xidhan. Tuulimaad d. waa waxyaabaha ay dabayli qaadday ama ay dhigtay meel dhulka dushiisa ah waxaana ka mid ah dabayl tuul, bacaadka iyo tuulimaadyada lamaddegaannada.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabayleed

meerkac-dabayleed [m.l]
(c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.

simuum [m.l]
(juqr.) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg