dabbaaldeg
(m.l) (-gyo, m.dh)

1. Damaashaad lagu sameeyo fardo la cayaarsiinayo. 2. Cayaaro iyo waxyaalo kale oo farax lagu muujiyo oo loola jeedo maalin taariikh weyn leh oo la xuso.

dabbaaldeg
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

1. Maalin muhiim ah ciyaar ku xusid. 2. Fardo ku damaashaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabbaaldeg ↴

baaraandeg [m.l]
1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. ld baaraandegid.

dabbaaldegid [m.f.dh]
eeg dabbaaldeg².

mood [e.d >]
Erey duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu yiraahdo; raag!.

neyruus [m.l]
1. Sannad qorraxeedka la tirsado bilowgiisa. 2. Dabbaaldeg la sameeyo sannad qorraxeedka dhammaadkiisa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg