dabbi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Arrin murugsan daawo u helid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabbi

ciddabbixid [m.f.dh]
eeg ciddabbax². ld cuddabbixid.

cuddabbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid.

cuddabbixid [m.dh]
ld ciddabbixid.

cuddabbixin [m.f.dh]
eeg cuddabixi. ld cuddabbixis.

cuddabbixis [m.l]
Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso. ld cuddabixin.

dabbin [m.f.dh]
eeg dabbi. ld dabbis.

dabbis [m.l]
ld dabbin.

dabbisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax daawo loo helay ahaansho.

dabbisasho [m.f.dh]
eeg dabbiso.

dab [m.l] (-bab, m.l)
1. Wax holac kulayl iyo iftiin leh oo ka dhasha gubashada. 2. Hub. 3. Danab. ld deb.

dab [m.dh]
Ceel maax ah oo aan dowlis lagu cabbin.

dab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Ugaar, shimbir iwm dabin ku qabasho. 2. Timo soohid. 3. Il muddo yar isku hayn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg