dabeecad
(m.dh)

1. ld dabci (1). 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dabeecad

haad-haad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Fudfudayd xagga dabeecadda ah.

gaal [m.dh]
1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad.

saaykoolojiyadda [m.dh]
(daaw.) Barasho cilmiyeed oo kusaabsan dhimirka (maan-ka) bani-adaamka iyo qaabka dabeecada dadka.

alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.

annaaniyad [m.dh] (-do, m.dh)
(c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya, ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.

baantiisimaada [m.dh]
(dii.) Fikrad diineed, taasoo Illaahay in uu yahay wax kasta, dabeecada iyo caalamka dhexdiisa.

baarri [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Qof waalidkii iyo Eebbaha u dhegannugul. 2. Qof dabeecad wanaagsan.

ballee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). ld billee.

barashada badweynada [m.dh]
(juqr.) Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iwm.

camal [m.l]
1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tus. “Buuggaas camal ii keen”.

dabeec [m.l]
1. ld dabci¹. 2. Xiriir ka dhexeeya laba qof ama ka badan oo saaxiib ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg