dure
(m.l)

Jiilaalka bartamihiisa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dure

dabeyl [m.dh] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).

dareemo [m.dh]
Caws dhaadheer, oo ka baxa bannaanka iyo dooxoyinka oo gammaanka, geelu jecelyihiin. ld dareeme (3), dureeme, dureemo.

dareer [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Hoore si aan kala go'lahayn u socosho. 2. Nafley meel ay tuurnayd ka dhaqaaqid. ld dureer².

dareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. ld dureeri. Nafley, meel ay tuurnayd ka dhaqaajin. 2. Hilib dareerin ka dhigid. 3. Si dhaqso ah oo aan hakad lahayn wax u akhrin.

dareerid [m.f.dh]
eeg dareer². ld dareer¹, dureer¹, dureerid.

dareerin [m.f.dh]
eeg dareeri. ld dareeris¹, dureerin.

dareersasho [m.f.dh]
eeg dareerso. ld dareersad, dureersad, dureersasho.

dareerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Xoolo meel ay tuurnaayeen ka kaxaysasho. ld dureerso.

diif [m.l]
Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab dartiis; siin. ld duuf¹ (2).

du [f.a ]
eeg duw.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg