durey
(m.l)

Hargab.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh durey

dabeyl [m.dh] (-lo, m.l)
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).

diif [m.l]
Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab dartiis; siin. ld duuf¹ (2).

dureysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax durey hayo ahaansho.

dureysnaan [m.f.dh]
eeg dureysan. ld dureys- naansho.

dureysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dureysnaan.

jadeeco [m.dh]
(daaw.) Cudur aad la isu qaadsiiyo oo uu keeno fiirus, wuxuu u badanyahay in uu ku dhaco carruurta, labadii sano ama saddexdii sano mar ayuu noqdaa safmar. Astaamo: calaamadaha dureyga oo ay weheliso qandho aad u sarreysa baro yaryar oo cas-cas oo dhexda caddaan ku leh (balihii Koblik) iyo canka gudihiisa ka soo baxa. Finan cascas ayaa ka soo baxa marka hore dhegaha xaggooda dambe, wajiga iyo jirka oo dhan.

dur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.

dur [m.l]
1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg