durugsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. ld durjisan, duruqsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh durugsan

oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.

haabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
Wax in yar durugsan gacan ku laacid.

yabaq [m.l]
Hadal iyo dhawaaq dad meel durugsan ka yeeraya. ld jabaq¹, yabaaq. jabaq, yabaaq

haajir [m.l]
1. Qof dal durugsan aadaya. 2. ld haajirid. ld haayir¹ (3). haajirid, haayir

abtisarow [m.l]
Sarmooyinka dhabannada iyo labada indhood dhexdooda carruurta uu ka saro abtigood durugsan; sarow.

dhaandabaggaale [m.l]
Dhaldhalaal biyo la moodo oo samaysma marka milicda kulul ee qorraxdu ku dhacdo meel yara durugsan; wirwir.

dhaqaaqsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho.

durjisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
ld durugsan.

durjisnaan [m.dh]
ld durugsanaan.

durjisnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld durugsanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg