dusaa
(m.l)

Cuddaar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dusaa

bakaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Cudur isha ku dhaca oo ay yeelato bar cad. 2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo dusaaga; xiddigta waaberi; waxaraxir. 3. Qof lixaad weyn.

cuddaar [m.l]
Meerayaasha waaweyn mid ka mid ah; dusaa.

dhadhaab-habe [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(jool.) Dhadhaabaha iyagoo dulal leh awgeed, biyaha u oggolaada, tusaale biyaha roobka, inay dhex galaan dabadeedna ka dhex dusaan; tusaale fiican waxaa u ah dhadhaabaha noocaan ah dhagax la yiraahdo dhagax bataax.

mahabe [m.l]
(jool.) Dhadhaabaha aan shirqadaha lahayn oo aan biyaha gudbin: tusaale ahaan dhadhaabahaasi biyaha roobka uma oggolaanayaan inay dhex galaan oo ay ka dusaan.

meere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa siddeed. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah.

waxaraxir [m.dh]
(c.fal.) Meerayaasho qorraxda tan ugu iftiin badan, waxayna u dhexeysaa dhulka iyo dusaaga (cuddaarka) sannakeedu waa 225 maalmood, qorraxdana waxay u jirtaa toddobaatan ku dhowaad malyuun oo mayl; xiddigta waaberi; sahra.

dus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Ka d.: wax ciriiri ah dhex marid. 2. Ka d.: wax ka hoos bixid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg