dusi
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-iyay, -isay)

Ka d.: wax, wax kale dhex tararsiin.

Sir-dusiye*

Waa shaqsi u shaqeeya dawlad ama shirkad ee u soo dusiya dadweeynaha ama madax sare xog xasaasi ah ee la xariirta arrin dhacday sida musuq ama talaabo qaldan. English: Whistleblower 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dusi ↴

dixo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xday, -xatay)
1. Ciidda ka dusid (biyo ama hoore kale). 2. Biyo qulqulid. 3. U d.: cid u naxariisasho.

dusid [m.f.dh]
eeg dus.

dusin [m.f.dh]
eeg dusi.

kammudbixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka k.: waran iwm wax ka dusin.

muusid [m.dh]
(jool.) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.

xuluulo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3]
(xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. ld huluulo, xaluulo.

du [f.a ]
eeg duw.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg