duud
(m.dh)

1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.

duud
(m.l) (-dad, m.l)

1. Dhabar. 2. Meel dhulka ka sarreysa oo labada dhan dooxooyin ama togag ka xigan.

duud
(m.l) (-dad, m.l)

Biyo yar oo weel biyood salkiisa ku jira. ld duuddo.

duud
(m.dh)

Buuro xiriira, sanaag.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duud

laablaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab². laallaab

haarguduud [m.dh]
Meel leh xammuuradda maryaha la gasho.

laablaaban [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bmay, -bantay)
Wax isku duudduubmay noqosho. ld laallaaban¹.

laablaaban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax isku duudduuban ahaansho. ld laallaaban².

beyguduud [m.l]
Midab lo'aad ah, bey guduud ku dhafanyahay. ld beycas.

bireeris [m.l]
(juqr.) Duuduubka deggan, badanaa: fidsan, guud ahaan aan dhir lahayn, bannanno caws leh - dhul cawsaadka loolka dhexe - ee woqooyiga maraykanka, ee qariya gobollada koonfureed ee Alberta, Saskatuun iyo Manitoba oo Kanada ah iyo Badhtamaha midowga Mareykanka ilaa bilow-kureed Buur Dhadhaabeedyada oo ay ugu barayeyso ilaa dhigta harada Mishigan.

canyayuub [m.l]
Si qaab daran oo wax loo duudduubo.

canyayuub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Si qaab daran wax u duudduubid.

carraguduud [m.l]
Dhul midabka ciiddiisu cas tahay.

ciddiyagaduudshe [m.l]
Geed nagaar yar oo leh xididdo dhuudhuuban oo ciddiyaha lagu guduudsado.

du [f.a ]
eeg duw.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg