duudso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)

1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duudso

duudsasho [m.f.dh]
eeg duudso. ld duudsad, duudsi.

indhagaduudso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Muddo yar seexasho. ld indhacasayso.

duud [m.dh]
1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.

duud [m.l] (-dad, m.l)
1. Dhabar. 2. Meel dhulka ka sarreysa oo labada dhan dooxooyin ama togag ka xigan.

duud [m.l] (-dad, m.l)
Biyo yar oo weel biyood salkiisa ku jira. ld duuddo.

duud [m.dh]
Buuro xiriira, sanaag.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg