duuf
(m.l)

1. Hilib la nacay. 2. ld duufid.

duuf
(m.l)

1. Xaaraan; baqti; wax xun. 2. ld diif. 3. ld duufid.

duuf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Ku d.: cid si loola dagaallamo ku boodid.

duuf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Ka soo d.: soo farabbaxsasho (dagaal); weyrax.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duuf

ibliis [m.l] (-syo, m.dh)
Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.

uduuf [m.dh]
Gufar; qashin.

uduufaa [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. Neef yar (siiba nayl) oo caato ah. 2. Cunug yar oo caato ah.

uduufo [m.dh]
Wax kasta intiisa liidata.

badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

buuf [m.dh]
1. Duufsi. 2. B. ku hay: ladnaan. Tus. “Cali buuftuu ku hayaa”.

dabayl-bataax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).

diif [m.l]
Biyaha iyo qoyaanka kale oo sanka ka yimaada, durey ama hargab dartiis; siin. ld duuf¹ (2).

diifsasho [m.f.dh]
eeg diifso. ld diifsad, duufsad, duufsasho, duufsi.

du [f.a ]
eeg duw.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg