duufaan
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-nno, m.dh)

Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duufaan

badxidhan [m.dh]
(juqr.) Xilliga dhaqdhaqaaqa gaadiidka baddu uu xiranyahay. Badda Carabta, xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunta waqooyi galbeed, waa marka dabaylaha xeeb-ku-jeedka ah ee ka immaanaya dhanka Soomaaliya ay ka dhigaan Badda Carabta mid duufaani ka dhacayso oo aan suurtaggelinayn badmaaxidda gobolkaas. ld badxir, badxiran.

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

dabayl-bataax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).

duufaan-kulaalay [m.l] (-nno ..., m.dh)
(juqr.) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.

duufaan-onkodle [m.l] (-nno ..., m.dh)
(fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

nujub [m.l] (-biin, m.l)
1. N. ah: nafley dadku u haystaan in aragtideeda nasiibdarro lagala kulmo; bacow. 2. Duufaan badeed.

saxar-qaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.cimi.) Duufaan bus fara badan ka buuxisa gibilka taas oo aragga si la taaban karo u yaraysa, mararka qaarkoodna waxaaba uu gaaraa araaggu ilaa iyo eber.

tayfuun [m.l]
(c.cimi.) Duufaanka kulaalayda ee badaha shiinaha.

toornaado [m.dh]
(juqr.) Dhulka Guinea ee Afrikada-galbeed, waa duufaan xoog leh oo badanaa loo yaqaan “tornaadada Afrikaanka”. Waxay ka kooban tahay dabayl cod leh oo ka timid dabayl onkod xoog leh, waxay inta badan ku bilaabantaa si kedis ah waqti yarna ku eg, laakiin waxay geystaa burbur weyn dhulka iyo baddaba, waxa inta badan la socda roob biyo dhaca.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg