duug
(m.l)

Wax muddo badan lagu dhaq- mayey.

duug
(m.l)

(taar.) (qadiim) Waxay tilmaamaysa waayadii hore, xilliyadii Masaaridii hore, Giriiga, iyo Roomaanka.

duug
(m.dh)

1. Xoolaha la qalo marka qof dhinto; axan; qoriqaad. 2. ld duugid.

duug
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

1. Wax xabaalid. 2. Qof muruqyadu xanuunayaan u daliigid. 3. Harag iwm jilcin. 4. Geellisid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duug

gaadaar [m.dh]
1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.

jaansaar [m.l]
Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub.

jaansaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Kabo duugoobay sar cusub saarid.

qaarxabaal [m.l]
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.

qaarxabaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Qof lafo xanuun qaba qaarka dambe carro kukul loogu duugo si loogu daweeyo, xabaalid.

xagaaf [m.dh] (-fo, m.l)
Kabo harag ka sa-maysan oo duug ah.

aas [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
Wax dhulka ku xabaalid (dad dhintay); duugid.

abaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Ku a.: muddo dheer xaalad gaar ah ku sugnaan, ku waarid. 2. Duugoobid.

abaali [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
A. ah: haan duug ah oo biyaha sii daysa; boos.

aguug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Cid, ceel, god iwm duugid. 2. Isku a.: dad yoobsan ahaansho.

du [f.a ]
eeg duw.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg