duugow
(m.l)

ld dugoobid.

duugow
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-oobay, -owday; -oobi)

Duug noqosho (wax).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duugow

duugoobid [m.f.dh]
eeg duugow². ld duugow¹.

mataatax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -tixi)
1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay noqosho.2. Maro aad u duugowday noqosho. 3. Miro aad u bislaaday noqosho. ld motootax², mutuutax².

mataataxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay ahaansho. 2. Maro aad u duugowday ahaansho. 3. Miro aad u bislaaday ahaansho. ld motootaxsan, mutuutaxsan.

mataatixi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay ka dhigid. 2. Maro aad u duugowday ka dhigid. 3. Miro aad u bislaaday ka dhigid. ld motootixi, mutuutixi.

duug [m.l]
Wax muddo badan lagu dhaq- mayey.

duug [m.l]
(taar.) (qadiim) Waxay tilmaamaysa waayadii hore, xilliyadii Masaaridii hore, Giriiga, iyo Roomaanka.

duug [m.dh]
1. Xoolaha la qalo marka qof dhinto; axan; qoriqaad. 2. ld duugid.

duug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax xabaalid. 2. Qof muruqyadu xanuunayaan u daliigid. 3. Harag iwm jilcin. 4. Geellisid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg